Brighton oo garoonkeeda ku bahdishay Manchester United kaddib markii ay ka gaartay guul qurux badan

(Brighton) 07 Maajo 2022. Brighton ayaa garoonkeeda ku bahdishay kooxda Manchester United kaddib markii ay ka gaareen guul qurux badan oo 4-0 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Brighton.

Daqiiqadii 15-aad kooxda Brighton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Moisés Caicedo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Marc Cucurella oo caawin ka helay saaxiibkiis Leandro Trossard ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brighton.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Brighton ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Pascal Groß kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Marc Cucurella.

Leandro Trossard ayaa daqiiqadii 60-aad soo afjaray bandhiga goolasha ee kulankan wuxuuna dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brighton.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Brighton kooxda Manchester United oo marti ugu ahayd garoonka American Express Community.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close