Real Madrid oo shaki galisay dalabka khayaaliga ah ee PSG ay ka gudbisay Mbappé

(Madrid) 06 Maajo 2022. Wargeysyada Spain ayaa daaha ka qaaday falcelinta maamulka Real Madrid ee ku saabsan warkii dhawaan soo baxay ee ku saabsanaa dalabka khiyaaliga ah ee ay maamulka Paris Saint-Germain ku soo jiidanayaan Kylian Mbappé si uu qandaraaska u cusboonaysiiyo oo uu la sii joogo kooxda reer France.

Waxaa lagu soo waramayaa in Mbappé uu ogolaaday cusboonaysiinta qandaraaska kaddib markii Paris ay u soo bandhigtay mushahar sanadle ah oo gaaraya 50 million euros, marka lagu daro lacago gunno ah ee gaarsiisan 100 million euros, si uu u saxiixo qandaraas laba sano ah oo uu khiyaar u heysanayo cusbooneysiinta sanad dheeri ah.

Sida laga soo xigtay barnaamijka caanka ah ee “El Chiringuito” ee dalka Spain, Maamulka Real Madrid ma rumaysna dalabka 50 million euros ee PSG ku dooneyso inay qandaraaska kafa saxiixato Mbappé, isla markaana qof walba oo Madrid ku sugan uu dagan yahay, mana saameynayo warkan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan, in Kylian Mbappé hooyadii Fayza Al-Ammari ay gabi ahaanba beenisay warkaas, waxayna xaqiijisay inuusan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen maamulka PSG ama koox kale oo haatan ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close