Arsenal oo dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan Ousmane Dembélé

(London) 06 Maajo 2022. Arsenal ayaa dareenkeeda u jeedisay xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé, ​​kaasoo qandaraaskiisa kooxda Catalonia uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo, Arsenal ayaa raadineysa inay ka takhalusto Nicolas Pépé, kaasoo 90 million euros kaga soo biiray kooxda Lille xagaagii 2019.

Arsenal ma ahan kooxda kaliya ee xiiseyneysa inay la saxiixato Ousmane Dembélé, iyadoo Manchester United ay sidoo kale dooneyso inay la soo saxiixato Ousmane Dembélé.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Dembélé lala xiriiriyo Arsenal, iyada oo Gunners ay horay isha ugu heysay xiddiga reer France markii uu ku sugnaa Rennes, kahor inta uusan u dhaqaaqin Borussia Dortmund.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa intaa ku daray in tababare Mikel Arteta uu arko Ousmane Dembélé, ciyaaryahan ku haboon istiraatiijiyada iyo tixraaca kooxda Arsenal.

Arsenal ayaana u muuqata inay diyaar u tahay inay Dembélé siiso qandaraas ka weyn kan uu Barcelona kula jiro, kaasoo ah waxa uu wakiilkiisu ka raadinayo wadahadalada.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa rajeyneysa inay ku qanciso Ousmane inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo, iyadoo tababare Xavi uu u arko arrin muhiim ah oo ka mid ah qorshaha mustaqbalka kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close