Macallinka naadiga Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo taariikh cusub ka dhigi kara tartanka Champions League caawa

(Madrid) 04 Maajo 2022. Kaddib markii uu Sabtidii lasoo dhaafay noqday macallinkii ugu horreeyay ee ku guuleysta shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub, macallinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa caawa noqon kara macallinkii ugu horreeyay ee shan jeer gaara fiinaalka tartanka UEFA Champions League haddii ay kooxdiisa kasoo baxdo naadiga Manchester City.

Madrid ayaa caawa la balansan naadiga Man City kulanka lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka tartanka horyaallada Yurub, inkastoo Los Blancos ay hor taallo shaqo adag maadaama kulankii lugta hore looga soo adkaaday 4-3.

Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa u baahan inay kooxdiisa usoo baxdo fiinaalka si uu u noqdo macallinkii ugu horreeyay ee shan jeer gaara fiinaalka Champions League isagoo horraan afar jeer oo kala duwan u gaaray fiinaalka koobka Dhego Weyne.

Hoggaamiyaha Taliyaaniga ah ayaa ku guuleystay tartanka Champions League markii ugu horreeyay ee uu fiinaalka gaaray isagoo macallin ah, waxaana isagoo hoggaaminaya kooxda AC Milan uu rigooreyaal ku gaaray Juventus sanadkii 2003.

Labo sano kaddib markale ayuu fiinaalka geeyay kooxda Milan, waxaase rigooreyaal iyo ciyaar soo laabasho taariikhda gashay ku garaacay kooxda Liverpool sanadkii 2005, balse labo sano kaddib mucjisadii Istanbul, markale ayuu Reds ku wajahay fiinaalka isagoo isla Rossoneri macallin ah, waxaana uu kaga adkaaday 2-1.

Markii ugu dambeysay ee uu fiinaalka soo gaaray Ancelotti waxay ahayd sanadkii 2014 markaas oo uu Real Madrid ku hoggaamiyay koobkeedii 10-aad ee tartanka Champions League kaasoo la magac baxay ‘La Decima’ isla markaana ay sugeysay muddo 12 sano ah.

Siddeed sano kaddib, waxa uu caawa fursad u heystaa inuu gaaro markiisii shanaad fiinaalka koobka horyaallada Yurub haddii uu ka adkaado dhiggiisa Pep Guardiola oo hoggaaminaya Manchester City.

Dhinaca kale, 62-sano jirkan ayaa heysta rikoorka macallinkii ugu horreeyay ee wareegga afar-dhammaadka Champions League soo gaara isagoo kala hoggaaminaya afar naadi oo kala duwan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close