Kooxda Manchester United oo ku sii dhowaanaysa saxiixa Darwin Nunez… (Halkee ayay haatan wax marayaan?)

(Manchester) 04 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu sii dhawaanayso dhammaystirka saxiixa Weeraryahanka Naadiga Benfica ee Darwin Nunez suuqa xagaagan.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa xilli ciyaareed heer sare ah ku qaatay Portugal, isagoo sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa gooldhalinta ee tartanka Champions League.

Shaki kuma jiro in Red Devils ay doonayso xiddigo ay ku qalabayso safka kooxdeeda xilli ciyaareedka soo socda, ciyaaryahankan da’yar ee weerarka ka ciyaara ee Nunez ayaana ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ay la soo wareegeyso.

Si kastaba ha noqotee, haatan Man United ayaa la soo sheegayaa inay aad ugu dhow dahay inay gacanta ku soo dhigto saxiixa Nunez, iyadoo u aragta beddelka mustaqbalka fog ee Edinson Cavani ee garoonka Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close