CIID WANAAGSAN: Gool FM oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa munaasibadda Ciidul Fitriga

(Muqdisho) 01 Maajo 2022 – Maamulka, qorayaasha, shaqaalaha iyo dhammaanba howl-wadeenka GoolFM.net waxay hambalyo ku aaddan Ciidul Fitriga u dirayaan dhammaan shacabka Muslimiinta ah ee caalamka guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan sanadkan sanadkiisa kale ummadda Soomaaliyeed u rajaynaynaa inay ku gaaraan caafimaad, nabad iyo baraare ay dhibka uga raystaan.
Kulla caam wa antum bi alfi khayr.
Gool FM.