Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Mallorca

(Barcelona) 01 Maajo 2022. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku garaacday kooxda Mallorca, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 25-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Memphis Depay, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Sergio Busquets.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Mallorca ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-1 laacibkooda Raillo, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Salva Sevilla

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Mallorca oo marti ugu ahayd Camp Nou, Barca oo kaalinta labaad kaga jirta kala sareynta horyaalka Spain ayaa heysata 66 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close