Shaxda rasmiga ah kulanka Real Madrid iyo Espanyol ee horyaalka La Liga oo la shaaciyey

(Madrid) 30 Abriil 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Real Madrid iyo Espanyol ee horyaalka La Liga ayaa la shaaciyey.

Kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo Espanyol ayaa galabta ku dagaallami doona kulan ka tirsan horyaalka La Liga xilli kooxda Los Blancos ay u baahantahay kaliya hal dhibic si ay ugu dabaal degto hanashada horyaalka dalka Spain.

Madrid ayaa haatan hoggaanka ku heysa 78 dhibcood, waxayna u baahan tahay kaliya dhibic si ay xaqiijiso ku guuleysigeeda horyaalka dalka Spain maadaama ay wax ka badan 12 dhibcood u jirsan doonto kooxda kusoo xigta xilli afar ciyaarood ay ka harsanaan doonaa horyaalka kaddib kulanka maanta, dhinaca kale Espanyol oo wajigii hore ee is-araggan guuleysatay ayaa ku jirta kaalinta 13-aad iyadoo leh 39 dhibcood.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Real Madrid XI: Courtois; Lucas, Vallejo, Casemiro, Marcelo; Camavinga, Ceballos, Modric; Rodrygo, Mariano,  Asensio.

Espanyol XI: Diego López; Aleix Vidal, Calero, Sergi Gómez, Cabrera; Vilhena, Yangel; Melendo, Darder, Puado; Raúl de Tomás.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close