Man City oo la wareegtay hoggaanka Premier League kaddib markii ay ka soo adkaatay Leeds United

(Leeds) 30 Abriil 2022. Man City ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay ka soo adkaatay Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 13-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee Rodri kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Phil Foden.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 0-2 ka dhigay ciyaarta Nathan Aké oo caawin ka helay saaxiibkiis Rúben Dias.

Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 78-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Manchester City, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Phil Foden, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-3.

90 + 3 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Fernandinho ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kooxda Manchester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-4 ay kaga soo adkaatay Manchester City, kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, City ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, waxayna leedahay 83 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close