Liverpool oo hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League kaddib markii ay saddexda dhibcood ka soo heshay Newcastle

(Newcastle) 30 Abriil 2022. Liverpool ayaa si dirqi ah saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garooonka St. James’ Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Naby Keïta, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Diogo Jota.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garooonka St. James’ Park, Reds ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League, waxayna 2 dhibcood ka sarreeyaaan Manchester City, waxayna uruursadeen 82 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close