Horudhac: Newcastle United vs Liverpool… (Waa sidee rikoorka Mohamed Salah ee kulankan xilli Liverpool ay dooneyso inay sameyso rikoor ay hore u dhigtay 1969-kii)

(Newcastle) 30 Abriil 2022. Kooxda qaab ciyaareedka wanaagsan ku jirta ee Newcastle United ayaa kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka Premier League maanta kula balansan naadiga Liverpool iyagoo wada qaadanaya ciyaarta ugu soo horreysa kulammada maanta.

Newcastle ayaa is baddel weyn sameysay tan iyo curashadii sanadkan iyadoo kasoo kacday kaalinta 19-aad haatanna ku jirta kaalinta sagaal ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska, waxayna leedahay 43 dhibcood kaddib 34 kulan oo ay ciyaartay halka Reds ay ku jirto kaalinta labaad ee horyaalka iyadoo leh 79 dhibcood, waxayna hal dhibic u jirtaa Manchester City oo hoggaanka ku heysa 80 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: St James’ Park

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka Kooxaha:

Kooxda Newcastle United ayaanan walaac ka qabin dhaawacyo cusub, waxaana ka maqnaan doona kaliya Kieran Trippier iyo Callum Wilson kuwaasoo la filayo inay goor dhow garoommada kusoo laabtaan.

Dhanka kale, Liverpool ayaa markale weyneysa weeraryahankeeda Roberto Firmino kaasoo kasoo kabanaya dhaawac cagta kasoo gaaray, waxaana sidoo kale la filayaa inay soo laabtaan Curtis Jones iyo Kostas Tsimikas oo xanuunno kala duwan kaga maqnaa ciyaartii Villarreal.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Newcastle ayaa guul la’aan ah 10 ciyaarood oo ay horyaalka Premier League kaga hor tagtay naadiga Liverpool waxayna la gashay afar barbarro halka lix guuldarrana ay ku dhacday.

Liverpool ayaa dooneysa inay guuldarro la’aan ahaato kulankeedii shanaad oo xiriir ah oo ay horyaalka kusoo ciyaartay garoonka St James’ Park markii ugu horreysay tan iyo bishii May sanadkii 1969.

Newcastle ayaa guuleysan karta shan ciyaarood oo xiriir ah horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 2014 markaas oo uu macallin u ahaa Alan Pardew, waxaana shantaas ciyaarood ku jiray guul 1-0 ah oo ay garoonkeeda kaga gaartay Liverpool.

Mohamed Salah ayaa gool ka dhaliyay Newcastle lix ka mid ah toddobadii ciyaarood ee uu kusoo bilawday isagoo wajahay naadigan, balse kaliya hal gool ayuu dhaliyay afar kulan oo uu horyaalka kusoo ciyaaray garoonka St James’ Park.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Newcastle United:

Liverpool:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close