Horudhac: Leeds United vs Manchester City… (Kooxda Macallin Pep Guardiola oo wajaheysa imtixaan adag caawa si ay ugu sii dhowaato difaacashada horyaalka EPL)

(Leeds) 30 Abriil 2022. Mid ka mid ah kulammada ugu xiisaha badan ee maanta illaa caawa laga ciyaari doono horyaalka Premier League ayaa dhex mari doona kooxaha Leeds United iyo Manchester City iyadoo Citizens ay wali hammineyso difaacashada horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Leeds ayaa haatan ku jirta kaalinta 16-aad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 34 dhibcood halka Man City ay 80 dhibcood ku hoggaamineyso horyaalka iyadoo hal dhibic ka sarreysa kooxda kusoo xigta ee Liverpool.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Elland Road

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:

Leeds ayaa weyneysa xiddigeeda garabka ka ciyaara ee Crysencio Summerville kaasoo tababarka ku dhaawacmay, sidoo kale Patrick Bamford, Adam Forshaw iyo Tyler Roberts ayaa iyaguna dhaawacyo ku maqnaan doona.

Geesta kale, Manchester City ayaanan heli doonin difaaceeda John Stones oo ku dhaawacmay kulankii Real Madrid, waxaana sii maqnaan doona Kyle Walker, balse waxaa kulankan diyaar u ah Joao Cancelo oo ganaax ku seegay ciyaartii Champions League.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Leeds ayaanan guuldarro garoonkeeda ku qaadan horyaalka Premier League iyadoo la ciyaareysa Manchester City tan iyo kulankii looga adkaaday 2-1 ee dhacay 5-tii September sanadkii 2000.

Kooxda cadcadka waxaa la garaacay kaliya labo ka mid ah sagaalkeedii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Man City horyaalka, waxayna ka qaadatay lix guul iyadoo midka kalena barbarro la gashay.

Manchester City ayaa dooneysa inay markii ugu horreysay garaacdo Leeds labada kulan ee horyaalka hal xilli ciyaareed markii ugu horreysay tan iyo fasalkii 1981-82, markaasna kooxda Leeds ayaa u dhacday horyaalka heerka labaad.

Kevin de Bruyne ayaa siddeed gool ku lug yeeshay lixdiisii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka Premier League isagoo afar gool dhaliyay, afar kalena caawiyay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Leeds United:

Meslier; Ayling, Llorente, Cooper, Dallas; Klich, Phillips; Raphinha, Rodrigo, Harrison; James

Manchester City:

Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Zinchenko; Gundogan, Fernandinho, De Bruyne; Jesus, Sterling, Grealish

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close