HAMBALYO: Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka La Liga iyadoo kulammo kale harsan yihiin

(Madrid) 30 Abriil 2022. Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Espanyol, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, Los Blancos ayaa kaddib guushan ay gaartay loogu caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaalka Spain ee xilli ciyaareedkan 2021/2022, waana horyaalkeedii 35-aad ee La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 33-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Rodrygo kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Marcelo.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana markale 2-0 ka dhigay da’ayarkeeda Rodrygo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Marco Asensio oo caawin ka helay saaxiibkiis Eduardo Camavinga ayaa daqiiqadii 55-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Real Madrid wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Daqiiqadii 81-aad K. Benzema ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Vinícius Júnior.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Espanyol oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, kaddib guushan ay gaartay Los Blancos ayaa loo caleemo saaray koobka horyaalka Spain ee xilli ciyaareedkan 2021/2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close