Ancelotti oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka RCD Espanyol

(Madrid) 29 Abriil 2022. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee kooxda RCD Espanyol kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Naadiga Los Blancos ayaa shaacisay liiska xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka bari ay ku soo dhaweyn doonaan kooxda RCD Espanyol garoonka Santiago Bernabéu

Liiska Real Madrid ayaa waxaa dhanka weerarka ka hoggaaminaya xiddigaha kala ah, Karim Benzema, Vini Jr. Rodrygo, iyo Asensio.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid uga qeyb-gaya kulanka bari ay soo dhaweyn  doonaan naadiga Espanyol:-

Goolhaayaasha: Courtois, Lunin, Diego.

Difaacyada: Carvajal, Vallejo, Marcelo, Mendy, Gila.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Lucas, Ceballos, Isco Camavinga.

Weeraryahanada: Benzema, Asensio, Vinicius, Rodrygo, Mariano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close