Feeryahanka heysta suunka WBC heavyweight champion ee Tyson Fury oo ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaarta feerka

(London) 28 Abriil 2022. Feeryahanka heysta suunka WBC heavyweight champion ee Tyson Fury ayaa xaqiijiyay inuu joojiyay isla markaana uu ka fariistay ciyaarta feerka.

Kaddib dhammaadkii ciyaartii uu suunkiisa ka difaacday Dillian Whyte isagoo ku garaacay wareegga lixaad ee kulankii ka dhacay gegada Wembley isla markaana ay usoo daawasho tageen 94 kun oo taageerayaal, 33-sano jirkan ayaa sheegay inay halkaas kaga eg tahay ciyaarta feerka.

“Waa iga intaas, Eey walba oo wanaagsan waxa uu leeyahay maalintiisa” ayuu hadalkiisa ku billaabay Fury oo la hadlayay barnaamujka TalkTV ee uu daadihiyo Piers Morgan, waxaana uu intaas raaciyay: “waan faraxsanahay, waan caafimaad qabaa, weli waan leeyahay maskaxdii, waxaan leeyahay xaas qurux badan iyo lix caruur ah iyo tiro suun ah,”

“Waxaan heystaa lacag badan, guulo, caannimo iyo wax walba, haddaba maxaan u dagaallamayaa?” ayuu hadalkiisa ku daray feeryahanka reer Britain.

Si walba ha ahaatee, Fury ayaa haatan guuldarro la’aan ah 33 kulan, waxaana fariisashadiisa ay ka dhignaan doontaa inuu luminayo fursad uu ugu tartami karay Undisputed Crown isla markaana uu ku noqon karay midka heysta horyaalnimada ugu sarreysa boqortooyada Britain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close