Maxay tahay sababta loogu maadsanayo Shaabadda cusub ee Emile Smith-Rowe?

(London) 27 Abriil 2022. Da’yarka naadiga kubadda cagta Arsenal ee Emile Smith-Rowe ayaa soo jeediyay dareenka bulshada iyo taageerayaasha kubadda cagta kaddib markii uu soo bandhigay shaabaddiisa cusub ee uu ku xardhay garabkiisa bidix.

Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ayaa soo bandhigay shaabad uu ka muuqdo sawirka saacad jaban oo uu ka dhex muuqdo wejiga libaax iyo lambarrada Roomaanka oo ku naqshadeysan saacadda.

Balse taageerayaasha ayaa uga fal-celiyay si ka duwan sidii uu filayay inay uga fal-celin doonaan waxaana ay soo bidhaamiyeen khaladaad ku jira sawirka saacadda.

Sawirka saacadda ee ka muuqda shaabadda 21-sano jirka naadiga Gunners ayaa lagu arkayay labo khalad oo farta lagu wada fiiqay, waxaana mid ka mid ah uu yahay in lambarrada Roomaanka ah ee saacadda lagu soo daray tirada 13, halkii ay ahayd in lagu simo 12, maadaama lambarrada saacadda ku sawiran sida caadiga ah loogu talo galay inay noqdaan 12.

13 o'clock? Arsenal's Emile Smith Rowe causes confusion with new tattoo | Goal.com

Khaladka labaad ee taageerayaasha indhaha gorgorka leh soo qabteen ayaa ah in qormada tirada AFAR (4) si khalad ah loo qoray qaabka Roomaanka, waxaana la qoray (IIII) halkii ay ahayd in loo qoro (IV).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhumay guud ahaan ujeedkii uu ka lahaa sawirkan iyo micnihiisa, waxaana doodda ay ku foorarsatay khaladaadka ku jira sawirka saacadda iyo qormada tirada Roomaanka.

Ugu dambeyn sawirka uu laacibka xulka qaranka England ku soo bandhigay baraha bulshada ayaa u muuqda mid la tiray, waxayna taageerayaasha kusii maadeysanayaan inuu weji-gabax kala kulmay soo bandhigista sawirka shaabadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close