Manchester United oo ka faa’ideysaneysa gadoodka Marcus Rashford iyadoo u adeegsaneysa inay Barca kaga soo qaadato xiddig muhiim ah

(Manchester) 26 Abriil 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay ka fikireyso inay dhiggeeda Barcelona u bandhigto la saxiixashada Marcus Rashford si ay dhanka kale kaga soo qaadato laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Frenkie de Jong.

Macallinka xilli ciyaareedka dambe hoggaamin doona Man United ee Erik Ten Hag ayaa la sheegay inuu aad u doonayo inuu markale la shaqeeyo raace-dhisaha reer Netherlands oo uu macallin ugu ahaa Ajax, waxaana uu ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa xagaagan.

Warsidaha lagu magacaabo Fichajes ayaa wariyay inay Red Devils qorsheyneyso inay weeraryahanka reer England u bandhigto Barca si ay kaga soo qaadato De Jong iyadoo dhowaan macallin Xavi Hernandez uu sheegay inuusan xiddig iib ka ahayn kooxdiisa.

Balse warsidaha ayaa sheekadiisa ku daray inay Blaugrana xiiseyneyso Rashford, sidaas darteedna ay dhageysan doonaan dalabaadka u imaanaya xiddigii hore ee Ajax suuqa xagaagan xilli ay kooxda Ingiriiska qorshaheeda labaad uu yahay inay xod-xodashada kaga sii qayb dhigto in Alex Telles ay dhanka kale u wareejiso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close