Horudhac: Manchester City vs Real Madrid… (Isu biro tumasho, is-araggii toddobaad, aargudasho & Wax walba oo ku hoos duugan kulanka lugta koowaad ee wareegga afar-dhammaadka tartanka UCL)

(Yurub) 26 Abriil 2022. Waxaa caawa soo laabanaya tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League kaasoo soo gaaray marxaladihii xiisaha badnaa waxaana caawa lugta koowaad ee wareegga afar-dhammaadka tartanka isku arki doona kooxaha kubadda cagta Manchester City iyo Real Madrid.

Man City ayaa wareeggii siddeed-dhammaadka tartankan horraantii bishan kaso gudubtay kooxda Atletico Madrid halka Los Blancos ay si dhib badan kusoo reebtay Chelsea, waxaana is-araggan labada lug ka kooban kooxdii kasoo gudubtaa ay ciyaari doontaa fiinaalka Champions League xilli ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – UEFA Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Istvan Kovacs (Romania)

Wararka Kooxaha:

Manchester City ayaa wajaheysa walaac xooggan oo ku aaddan dhaawacyada xiddigaheeda kala ah Kyle Walker iyo John Stones kuwaasoo dhaawacyo qaba, balse waa suuro gal inay labaduba kusoo laabtaan kulankan saacadaha ugu dambeeya, sidoo kale Joao Cancelo ayaa ciyaartan ganaax kaga maqnaan doona.

Dhinaca kale, Eden Hazard, Luka Jovic iyo Mariano Diaz ayaa guud ahaan laga reebay safarka magaalada Manchester maadaama ay dhaawacyo qabaan, balse waxaa safarka qayb ka ah David Alaba, Casemiro iyo Ferland Mendy oo aanan la hubin taam anaashahooda.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii toddobaad ee labadan naadi ku dhex mara tartanka Champions League oo markii ugu horreysay ay ku kulmeen xilli ciyaareedkii 2012-13, waxaana lixdii ciyaarood ee hore ay labada naadi kala qaateen min labo guul halka labada kalena ay barbarro galeen.

Real Madrid ayaanan guuleysan mid walba oo ka mid ah saddexdii jeer ee ay hore ugu safartay kooxda Manchester City tartammada Yurub iyadoo labo barbarro iyo hal guul ka heysata.

Tababare Pep Guardiola ayaa horraan labo jeer ku reebay Real Madrid wareegyada bug-baxa Champions League, waxayna kala ahaayeen wareeggan afar-dhammaadka oo kale xilli ciyaareedkii 2010-11 markaas oo uu macallin ahaa Barcelona iyo xilli ciyaareedkii 2019-20 oo uu ku reebay wareegga 16-ka isagoo Man City hoggaaminaya.

Macallin Carlo Ancelotti ayaa guuleystay 74% kulammada uu Real Madrid hoggaamiyay tartanka UEFA Champions League isagoo adkaaday 26 ka mid ah 35-tiisii kulan, waana celceliska ugu fiican ee uu heysto macallin ugu yaraan 20 kulan hoggaamiyay hal koox tartanka horyaallada Yurub.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City:

Real Madrid:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close