Difaaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini oo ku dhawaaqay xilliga uu ka fariisanayo matalaadda xulka Italy & Ciyaartiisa ugu dambeysa ee xulka Azzuri

(Turin) 26 Abriil 2022. Xiddiga difaaca dhexe uga ciyaara kooxda kubadda cagta Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday inuu ka fariisanayo u ciyaarista xulka qaranka dalka Taliyaaniga bisha June ee sanadkan.

Kabtanka Bianconeri kaasoo sidoo kale kabtan u ah xulka Taliyaaniga ayaa qayb ka ahaa xiddigihii ka caawiyay xulka Azzuri inuu ku guuleysto tartankii qarammada Yurub ee Euro 2020 kaasoo xagaagii lasoo dhaafay ay ka qaadeen xulka qaranka England.

Ku guuleysiga Koobkii Euro 2020 ayaa saldhig u noqday in xulka Taliyaaniga uu balansado xulka qaranka Argentina kaasoo kusoo guuleystay Copa America 2021, waxaana ay garoonka Wembley ku wada qaadan doonaan kulan ciyaareed loogu magac daray ‘Finalissima’.

Si kastaba ha ahaateee, Chiellini oo la hadlay saxaafadda kaddib kulankii ay kooxdiisa Juventus xalay garaacday naadiga Sassuolo ee ka tirsanaa horyaalka Serie A ayuu yiri: “Haddii aan fiicanahay waan ciyaari doonaa, waxaana qaranka ku macsalaameyn doonaa Wembley oo ah halka aan ku gaaray heerkeygii ugu fiicnaa xirfaddeyda,”

“Aad ayay iigu weyn tahay inaan qaranka ku macsalaameeyo kulan dabaal deg leh sida midka Argentina, waana marka ugu dambeysa ee aan qaranka u ciyaarayo” ayuu DAZN u sheegay difaacan awoodda badan.

37-sano jirkan difaaca dhexe ka ciyaara ayaa haatan 116 kulan u saftay xulka qaranka Taliyaaniga isagoo ah xiddiga afaraad ee ugu safashada badan xulka afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo markii ugu horreysay matalay xulkan sanadkii 2004.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close