Manchester City oo heshay fursad ay beeca xorta ah kula saxiixan karto Paul Pogba & Guardiola oo markii labaad indhaha ka xirtay laacibkan

(Manchester) 25 Abriil 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iska diidday fursad ay qaab bilaash ah ugu heli karto saxiixa laacibka khadka dhexe uga ciyaara dhiggeeda Manchester United suuqa xagaagan.

Kubbad qaabeeyaha Faransiiska ayaa la filayaa inuu beeca xorta ah uga dhaqaaqo Old Trafford marka uu dhammaadka xilli ciyaareedkan idlaado heshiiskiisa xilli la xiriirinayo kooxo ay ka mid yihiin Juventus, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, waxaana macallinkiisa ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick uu qiray inuu Pogba bilaash ku tagi doono xagaagan.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay inay Man City soo martay fursad ay xiddigan kula saxiixan karto marka uu xor noqdo xagaagan tii oo ay jirto inuu 29-sano jirkan albaabada u furay inuu baaqi kusii ahaado horyaalka Premier League sida ay warar kale sheegayaan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda horyaalka Ingiriiska difaacaneysa ayaa caddeysay inaysan xiiseyneyn saxiixa laacibka khadka dhexe ka ciyaara, waxaana Macallin Pep Guardiola uu sidoo kale carrabka ku dhuftay inay kooxdiisa iska diidday saxiixa Pogba sanadkii 2018 markaas oo uu Jose Mourinho macallin u ahaa Red Devils.

Ku guuleystaha Koobkii Adduunka ee 2018 ayaa haatan dhaawac kaga maqan garoommada isagoo la tacaalaya inuu dib ciyaaraha ugu soo laabto inta uusan dhammaan xilli ciyaareedka, waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool isagoo sagaal caawin sameeyay kaddib 27 kulan oo uu Man United u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close