Macallin Thomas Tuchel oo xaqiijiyay in Antonio Rudiger uu ka tagi doono kooxda Chelsea xagaagan

(London) 25 Abriil 2022. Macallinka hoggaamiya kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu Antonio Rudiger ka helay warka la xiriira ka tagistiisa Blues marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

Hadal-heynta mustaqbalka 29-sano jirkan ayaa heysatay cinwaannada suuqa kala iibsiga qaaradda Yurub guud ahaan xilli ciyaareedkan maadaama uu qandaraaskiisu dhici doono dhammaadka fasalkan taasoo ka dhigan inuu bilaash kaga tagi doono gegada Stamford Bridge.

“Xaaladda haatan waxay tahay inuu isaga doonayo inuu kooxda ka tago, si gaar oo aan u wada hadalnay ayuuna iigu sheegay, wax walba ayaan u sameynay aniga iyo kooxda balse intaan kaddib ma sii dagaallami karno” ayuu macallinka Jarmalka ah u sheegay Sky Sports.

Rudiger ayaa kooxo badan xiiso ka helaya, balse waxaa si gaar ah loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid maadaama macallinka naadiga reer Spain ee Carlo Ancelotti uu maamulka kooxda ka dalbaday inay lasoo saxiixdaan difaacii hore kooxda AS Roma.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close