Barcelona candhuuftaada dib u laq! Agaasimaha kooxda Bayern Munich oo meesha ka saaray inuu Robert Lewandowski ka tagi doono Bavarians xagaagan

(Munich) 25 Abriil 2022. Agaasimaha ciyaaraha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Hasan Salihamidzic ayaa hunguriga qabtay kooxda Barcelona iyo kooxaha kale ee uu damaca uga jiray saxiixa weeraryahanka kooxdiisa ee Robert Lewandowski isagoo sheegay inuusan laacibkan meelna u dhaqaaqi doono suuqa xagaagan.

Barca ayaa si aad ah loola xiriirinayay saxiixa 33-sano jirkan weerarka ka ciyaara iyadoo xitaa ay dhowaan soo if baxeen warar sheegaya inay heshiis horudhac ah la gaartay halka sidoo kale wararka qaar ay sheegayeen inay kooxda reer Spain heshiiska ciyaaryahankan ku dhammeystiri karto 40 milyan oo euro.

Balse waxaa sheekadaas ka dhiidhiyay Salihamidzic oo go’aansaday inuusan dhageysan guud ahaanba dalabaadka u imaanaya xiddiga kabtanka u ah xulka qaranka Poland.

“Ma aanan aqbali lahayn dalabaad, waxaan heysannaa laacibka ugu wanaagsan dunida, waana ku faaneynaa inaan heysanno, waxaana dooneynaa inuu nala joogo, weli isaga ma aynaan la xaajoon, balse waan la fariisaneynaa” ayuu agaasimaha ciyaaraha naadiga Bayern u sheegay Sky Deutschland.

Salihamidzic ayaa intaas sii raaciyay: “Inuu Lewandowski baxo xagaagan meesha kuma jirto, waxa uu heystaa qandaraas ku eg 2023, xoogaa wada hadallo ayaan la sameyneynaa sida ugu dhaqsaha badan, waynu arkeynaa sida ay hore ugu socdaan, waxaan dooneynaa inuu sii joogo”.

Si kasta ha noqotee, Lewandowski oo 48 gool u dhaliyay naadiga Bavarians kaddib 43 kulan oo uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan ayaa dhowaan qiray in arrimaha la xiriira mustaqbalkiisa aysan ahayn mid sahlan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close