Ancelotti oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Man City… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Madrid) 25 Abriil 2022. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee kooxda Manchester City kula ciyaari doonaan lugta hore wareega Afar dhammaadka ee tartanka UEFA Champions League.

Naadiga Los Blancos ayaa shaacisay liiska xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka habeen dambe ay ku booqan doonaan kooxda Manchester City garoonka Etihad.

Liiska Real Madrid ayaa waxaa dhanka weerarka ka hoggaaminaya xiddigaha kala ah, Karim Benzema, Vini Jr. Gareth Bale, iyo Asensio

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid uga qeyb-gaya kulanka habeen dambe ay booqan doonaan naadiga Manchester City:-

Goolhayaasha: Courtois, Lunin, Fuidias

Daafacyada: Carvajal, Militão, Alaba, Vallejo, Nacho, Marcelo, Mendy.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, L. Vázquez, D. Ceballos, Isco Camavinga.

Weerarka: Benzema, Asensio, Bale, Vini Jr. Rodrygo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close