Kooxda Liverpool oo geed gaaban iyo mid dheerba u koraysa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd da’yarka Barcelona ee Gavi

(Liverpool) 18 Abriil 2022. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sare u qaadday xiisaha ay u qabto da’yarka Kooxda Barcelona ee Gavi.

Wargeyska Sport ee ka soo baxa Spain ayaa warinaya in Reds ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doonto sidii ay u heli la’ahayd da’yarkan hibada leh ee Barcelona, Gavi.

Kooxda Liverpool ayaa sii waday in la la xiriiriyo xiddiga Barcelona ee Gavi, maadaama uusan weli qandaraas cusub u saxiixin kooxda ka arrimisa garoonka Camp Nou, Wargeyska Sport ayaana ku warramaya in Reds ay diyaar u tahay inay kordhiso dadaalka la doonayo inuu da’yarkan ku yimaado garoonka Anfield.

17-sano jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa loo arkaa inuu yahay mid wax ku ool ah oo waqti dheer sii joogi kara, maadaama xiddiga khadka dhexe ee Reds, James Milner, Jordan Henderson iyo Thiago Alcantara ay dhammaantood kor u dhaafeen da’da 30-ka sano.

Kooxda Liverpool ayaa ka fikiraysa mustaqbalka fog ee khadkeeda dhexe, waxaana ay doonaysaa inay ku soo kordhiso da’yar muddo badan la sii joogi kara, maadaama ay intooda badan ka gaboobeen xiddigaha haatan uga ciyaara qalbiga dhexe ee garoonka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close