Cádiz oo saddexda dhibcood ka soo heshay Barcelona oo ay ku booqatay Camp Nou

(Barcelona) 18 Abriil 2022. Cádiz ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Barcelona oo ay ku booqatay Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Cádiz ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda martida ahayd ee Cádiz ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Lucas Pérez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Cádiz, kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, Barca oo kaalinta labaad kaga jirta dhanka kala sarreynta ayaa kaddib guuldarradan waxay 15 dhibcood u jirtaa hoggaamiyaasha horyaalka ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close