Xiddigii khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid & Xulka qaranka Colombia oo shil gaari ku geeriyooday

(Cali) 14 Abriil 2022. Kabtankii hore ee xulka qaranka Colombia, Freddy Rincon ayaa geeriyooday kaddib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray Madaxa markii uu shil baabuur ku galay Magaalada Cali horraantii todobaadkan.

Dhakhaatiirta la tacaalaysay xaaladda caafimaad ee xiddigii khadka dhexe ee Real Madrid ayaa xalay xaqiijiyey inuu geeriyooday Rincon, isagoo ay da’diisu ahayd 55 sano jir, kaddib maalmo uu la xanuunsanay dhaawacyo daran oo madaxa ka soo gaaray kaddib shil gaari oo uu galay.

Waxa uu Rincon u soo ciyaaray kooxaha Real Madrid & Napoli, isagoo muhiim u ahaa jiilkii dahabiga ahaa ee Colombia sagaashameeyadii, Shilka uu galay kabtankii hore ee xulka qaranka Colombia ayaana ahaa mid ka yimid isku dhac gaarigiisa iyo Bas, kaasoo dhacay Isniintii.

Afar qof oo kale oo saarnaa gaadhiga uu waday Rincon ayaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen, halka darawalkii waday gaariga Baska ah uu sidoo kale ka mid noqday kuwa dhaawacmay.

Rincon ayaa maray qalliin deg deg ah kaddib dhaawacaas halista ah ee maskaxda ka soo gaaray, laakiin laguma guuleysan in la badbaadiyo.

Sebastian oo 28 sano jir ah, kaasoo ah wiilka uu dhalay Rincon ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirka isaga oo haya gacanta Aabihii oo yaalla Isbitaalka, waxaana uu xaqiijiyay geeridiisa.

Rincon oo 55 sano jir ahaa ayaa khadka dhexe uga ciyaaray Kooxaha ka dhisan dalkiisa Colombia ee Santa Fe iyo America, sidoo kale waxa uu waqti ku soo qaatay kooxda Napoli iyo naadiga reer Spain ee Real Madrid.

Waxa uu kabtan u noqday kooxda reer Brazil ee Corinthians ee hanatay horyaalkii ugu horreeyay ee naadiyada adduunka 2000, waxa uuna sidoo kale qeyb ka ahaa ‘jiilkii dahabiga ahaa’ ee ciyaartoyda Colombia ee xulka qaranka 1990, 1994 iyo 1998.

Waxa uu dhaliyay 17 gool intii uu ku guda jiray xirfaddiisa ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu gool ka dhaliyay Argentina ciyaartii ay 5-0 kaga badiyeen isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Buenos Aires sanadkii 1993-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close