Tababaraha xulka qaranka Netherlands Louis van Gaal oo shaaciyay inuu qabo xanuunka Kansarka & Kooxihiisii hore oo…

(Amsterdam) 04 Abriil 2022. Tababaraha hoggaamiya xulka qaranka dalka Netherland ee Louis van Gaal ayaa daaha ka rogay inuu la tacaalayo isla markaana laga dabiibayo Kansarka ku dhaca qanjirka afka qalaad loogu yeero Prostate ee ku yaalla kaadi heysta ragga.

High-fat diet linked to prostate cancer spread

Isagoo la hadlayay barnaamujka Humberto, ayuu Van Gaal shaaciyay akhbaartan isagoo sheegay inuusan xiddigaha xulkiisa Holland la wadaagin arrintan la xiriirta caafimaadkiisa.

“Iyagu ma oga, waxay arkeen midabka dhabankeyga, waxayna is leeyihiin ‘waa uu caafimaad qabaa’, balse dabcan arrintu sidaas ma ahan” ayuu macallinka xulka Netherlands u sheegay barnaamujka Humberto, waxaana uu intaas ku daray: “ma aanan rabin inaan u sheego ciyaartoydeyda xaaladdan, maxaa yeelay waxay saameyn kartay qaab-ciyaareedkooda.

“Xilli walba oo aan leyliyo xulka qaranka, waxaan habeenkii aadayay isbitaalka iyagoo aanan ka war-qabin, waxayna u heystaan inaan caafimaad qabo, balse maya” ayuu hadalkiisa ku daray 70-sano jirkan.

Van Gaal oo haatan xulka qaranka Holland gaarsiiyay Koobka Adduunka ee ka dhici doona dalka Qatar sanadkan 2022 halkaas oo uu guruubka la qaybsan doono xulalka Senegal, Ecuador iyo xulka marti gelinaya ee Qatar ayaa taageero weyn ka helay qaar ka mid ah kooxihii uu soo maamulay sida Barcelona iyo Manchester United kuwaasoo farriimo taageero ah barahooda bulshada kula wadaagay macallinkan kaddib markii uu shaaciyay xanuunkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close