Thomas Tuchel iyo xaaskiisa oo kala tagay iyagoo burburiyay xiriir soo jireen ah… (Immisa sano ayay wada noollaayeen?)

(London) 03 Abriil 2022. Macallinka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel iyo xaaskiisa Sissi ayaa kala tagay sida laga soo xigtay wargeyska The Mail on Sunday.

Xilli naadiga Chelsea ay la dhibaatooneyso cuno-qabateynta lagu soo rogay mulkiilaheeda Roman Abramovic, Tuchel ayaa isna dhexda kaga jiray xaalado ku aaddan burburka qoyskiisa kaasoo dhisnaa muddo 13-sano ah.

Xaaskiisa Sissi ayaa bilawday howlaha waraaqadaha furriinka toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu daalay in xaaladdaas la xasiliyo oo qoyskan laga badbaadiyo inuu burburo, balse dhammaan dadaalladii oo dhan ma aysan guuleysan.

Ilo ku dhow-dhow qoyskan ayaa sheegay inay lammaanahan qudhooda doonayeen inaysan kala tagin, balse haatan waxa kaliya ay ku midoobayaan ayaa ah barbaarinta gabdhahooda.

Mrs Tuchel oo ahayd suxufiyad ayaa London usoo guurtay bishii August ee sanadkii 2021, waxaana markaas toddobo bilood laga joogay markii uu macallinka Jarmalka ah la wareegay shaqada kooxda Chelsea isagoo markaas deggenaa hoteel kahor inta aysan xaaskiisa imaanin dalka Ingiriiska iyagoo markii dambe degay deegaan Cobham oo aad ugu dhow xerada tababarka ee naadiga Blues.

Tuchel oo haatan toddobo milyan oo gini ka qaata garoonka Stamford Bridge sanadkii ayaa wajahaya heshiis furriin oo ay kaga bixi doonto malyuumaad lacag ah maadaama ay xaaskiisa kasoo tagtay shaqadii ay ka heysay wargeyska Jarmalka ah ee Süddeutsche Zeitung si ay qoyskeeda u dhaqato.

Weli lama ogaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka qoyskan wada-jiray 13-ka sano, balse shakhsi u warramay warsidaha aynu soo xigannay ayaa sheegay in lammaanahan ay ahaayeen kuwo aad isugu dhow dhanka shaqadana isku caawiya, mana jiraan cid daaha ka rogtay sababta ay u kala tageen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close