Wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka Koobka Adduunka Qatar ee 2022 oo caawa la sameynayo

(Doha) 01 Abriil 2022. Isku aadka Koobka Adduunka ee 2022 ayaa lagu wadaa in caawa lagu qabto magaalada Doha ee dalka Qatar.
Waxaa xaflada lagu sameeynayo isku aadka heerka group-yada Koobka Adduunka 2022 ee ka dhici doontaa Jimco 1-da April xarunta shirarka bariga Doha, marka ay sacadu tahay 7:00 fiidnimo ee caawa xilliga geeska Africa.
Dhacdada ugu weyn kubadda cagta ayaa la qabtaa afartii sanaba mar, waxaana isku aadka loo qorsheeyay in loo sameeyo siddeed group oo kala noqonaya A,B,C, D,E, F,G, H.
32-da xul ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee 2022 ayaa ciyaarahooda ka baasan doono Qatar 21-ka November, halka finalka la baasan doono 18-ka December.
Italy oo hadda heysata horyaalnimada Yurub ayaa seegay koobkii Adduunka markii labaad oo xiriir ah.
Ruushka ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doonin isku aadka kaddib markii xulka laga saaray ciyaaraha isreebreebka sababtoo ah duulaankii Ukraine.
Sidoo kale waxaa ka maqnaan doona Masar, Ivory Coast, Nigeria iyo Algeria oo dhamaantood ka soo gudbi waayay kulammadii isreeb-reebka.
29-ka xul ee illaa iyo haatan xaqiijiyey inay u soo baxeen ka qeyb-galka Koobka Adduunka:
Dheriyada afarta ah ee loo kala qeybiyey xulalka isku aadka loo sameynayo:
Dheriga 1-aad
Qatar
Belgium
Brazil
France
Argentina
England
Spain
Portugal
Dheriga 2-aad
Denmark
Netherlands
Germany
Mexico
United States
Switzerland
Croatia
Uruguay
Dheriga 3-aad
Senegal
Iran
Japan
Morocco
Serbia
Poland
South Korea
Tunisia
Dheriga 4-aad
Australia/United Arab Emirates/Peru
New Zealand/Costa Rica
Ukraine/Scotland/Wales
Saudi Arabia
Ecuador.
Gool FM.