Real Madrid oo xaqiijisay in macallinkeeda Carlo Ancelotti laga helay xanuunka Koofid-19

(Madrid) 31 Maarso 2022. Macallinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa laga helay xanuunka faafa ee Korona Fayras sida ay xaqiijisay kooxdiisa.

Los Blancos ayaa toddobaadka soo aaddan kusoo laabaneysa jadwalkeeda ciyaaraha kaddib fasixii qarammada, waxaana ay habeenka Sabtida kulan ka tirsan horyaalka La Liga kooxda Celta Vigo.

Balse Macallin Ancelotti ayaa seegaya kulankan isagoo aanan hoggaamin doonin kooxdiisa, waxaana xukunka si ku meel gaar ah u heyn doona wiilkiisa Davide Ancelotti oo haatan ah caawiyaha koowaad.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka Taliyaaniga ah ayaa la rajeynayaa inuu diilinta macallimiinta dib usoo istaago kulanka lugta hore ee wareegga rubac dhammaadka tartanka Champions League oo ay Real Madrid booqaneyso naadiga Chelsea kaasoo dhici doona 6-da April.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close