Tababare Erik ten Hag oo doonaya inuu xiddig Brazilian ah u soo kaxaysto Old Trafford haddii loo magacaabo Macallinka Man United… (Booskee ayuu ka ciyaaraa laacibkan?)

(Manchester) 29 Mar 2022. Erik ten Hag ayaa doonaya inuu xiddiga garabka uga ciyaara Ajax ee Antony u soo kaxaysto Manchester United haddii loo magacaabao xillika Tababarennimo ee garoonka Old Trafford.

Ten Hag waa mid ka mid ah Tababareyaasha lala xiriirinayo xilka Macallinnimo ee Man United, waxaana uu xiiseynayaa 22 sano jirkaan reer Brazil, isagoo doonaya inuu ka dhigto mid ka mid ah saxiixyadiisa ugu horreeya ee Red Devils, sida uu warinayo Wargeyska  The Telegraph.

Antony ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub kaddib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xilli ciyaareedkan ku soo bandhigay kooxda reer Holland.

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa xiddiga reer Brazil kaas oo 8 kulan u saftay xulkiisa.

Man United ayaa suuqa ugu jirta xiddig weerarka ka ciyaaraya, iyagoo la filayo inay lumiyaan weeraryahankooda Edinson Cavani suuqa xagaaga, halka uu shaki ku jiro mustaqbalka Cristiano Ronaldo iyo Anthony Martial.

Marcus Rashford ayaa sidoo kale xilli ciyaareed niyad jab leh ku soo qaatay Old Trafford, waxaana jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo hal sano oo kaliya uu ka harsan yahay qandaraaskiisa kooxda.

Antony oo ka ciyaara garabka midig ayaa dhaliyay 12 gool, waxaana uu sameeyay 10 caawin 33 kulan oo uu u saftay Kooxda Ajax xilli ciyaareedkan.

Waxa uu Antony Kooxda Ajax uga soo biiray Sao Paulo, iyagoo ku soo qaatay adduun dhan 15.5 milyan oo Euro sanadkii 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close