Xiddiga la la xiriirinayo Barcelona ee Raphinha oo ka jawaabay dalab heshiis kordhin ah oo uga yimid kooxdiisa Leeds United

(Leeds) 23 Mar 2022. Ciyaaryahanka la la xiriirinayey naadiga Barcelona ee Raphinha ayaa la soo warinayaa inuu iska diiday dalab heshiis kordhin ah oo uga yimid kooxdiisa Leeds United.

Warsidaha UOL ayaa warinaya in xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha oo la la xiriirinayey  Barcelona uu iska diiday dalabkii ugu horreeyey ee qandaraas kordhinta oo ay u soo bandhigtay kooxdiisa Leeds United.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa heshiiskiisa haatan waxaa kaga harsan labo sano iyo bar, laakiin diyaar uma ahan inuu heshiis cusub saxiixo illaa ay kooxda Premier League ka ciyaarta ay dhinto qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo ah 70 milyan oo euro oo u dhiganta 58 milyan oo gini ama 77 milyan oo dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Naadiga Leeds ayaa ka cagajiideysa inay aqbasho dalabaadka Raphinha, inkastoo ay goor hore u soo bandhigtay heshiis ay ugu labo jibaarayso mushaharkiisa, mana cadda haddii dib loo furi doono markale wada-xaajoodka heshiis kordhinta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close