RASMI: Wayne Rooney & Patrick Vieira oo lagu daray diiwaanka The Premier League Hall of Fame… (Yaa kaga horreeyey?)

(London) 23 Mar 2022. Wayne Rooney iyo Patrick Vieira ayaa noqday xiddigihii ugu dambeyey ee ka mid noqday The Premier League Hall of Fame.

Rooney waa ciyaaryahanka labaad ee taariikhda ugu goolasha badan horyaalka Premier League, waxaana uu u dhaliyey 208 gool oo horyaalka ah Manchester United oo uu kula guuleystay shan horyaal iyo Everton.

Vieira oo saddex horyaalka Premier League ah ku guuleystay intii lagu guda jiray 11 xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Arsenal ayaa sidoo kale ahaa kabtankii kooxdii guuldarro la’aanta ku qaadday horyaalka xilli ciyaareedkii 2003/04 ee Gunners, markaasoo ay Premier League hanteen iyagoo aan xitaa hal kulan laga adkaan.

Rooney iyo Vieira ayaa kala noqonaya xiddigii sagaalaad iyo midkii 10-aad ee lagu daro  The Premier League Hall of Fame, waxaana ay kula biireen ciyaartoydii horay ugu jiray ee Alan Shearer, Thierry Henry, Eric Cantona, Roy Keane, Frank Lampard, Dennis Bergkamp, Steven Gerrard iyo David Beckham.

تويتر \ UnitedReds على تويتر: "19-year old Wayne Rooney clashes with  Arsenal's Patrick Vieira, 2004. https://t.co/9I6ve3xTow"

Wayne Rooney:

▪ 491 kulan, 208 gool, 103 caawin

▪ Tirada Koobabka Premier League ee uu haysto: 5

▪ Inta jeer ee uu laacibka bisha ku guuleystay: 5

▪ Inta jeer ee uu laacibka xilli ciyaareedka ku guuleystay: 1

Patrick Vieira:

▪ 307 kulan, 31 gool, 34 caawin

▪ Tirada Koobabka Premier League ee uu haysto: 3

▪ Kabtankii kooxdii guuldarro la’aanta ku qaaday horyaalka ee Arsenal 2003-04

▪ Inta jeer ee uu laacibka xilli ciyaareedka ku guuleystay: 1

Darajada The Premier League Hall of Fame ayaa loogu talo galay in lagu aqoonsado, isla markaana lagu maamuuso ciyaartoyda guulaha waa weyn ku gaaray, sidoo kalena saameynta ballaaran ku leh horyaalka Ingiriiska tan iyo 1992, markaasoo loo bixiyey magaca haatan loogu yeero ee Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close