Gary Neville oo timaamay tababaraha ugu haboon ee qaban kara shaqada macalinimo ee kooxda Man United

(Manchester) 23 Maarso 2022. Halyeeyga Manchester United iyo xulka qaranka England ee Gary Neville ayaa aaminsan in macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino uu yahay tababaraha ugu haboon ee qaban kara shaqada tababarnimo ee Red Devils.

Jamaahiirta Manchester United ayaa sugaya in ay ogaadaan tababaraha xiga ee kooxda hoggaamin doona kaddib dhamaadka xilli ciyaareedkan kaddib markii ay dhammaato shaqada tababaraha ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick.

Wargeyska Daily Star ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga Manchester United ee Gary Neville, wuxuun yiri:

Gary Neville reckons Mauricio Pochettino would join United tomorrow

“Shaqsi ahaan, waxaan aadi lahaa jihada aan u dooran lahaa Pochettino, laakiin Erik ten Hag ayaa ah musharaxa ugu cadcad ee dhanka taageerayaasha Manchester United.”

Waxaa xusid mudan in Pochettino uu la wareegay mas’uuliyadda shaqada tababarnimo ee kooxda Paris Saint-Germain bishii Janaayo 2021, wuxuuna kooxda kula jiraa heshiis gaaraya ilaa 2023, isaga oo hoggaamiyay 75 kulan, wuxuu guul gaaray 50 ka mid ah, 10 kulan barbaro ah, iyo 15 kulan laga badiyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close