Barcelona oo u dhaqaaqday saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Paulo Dybala

(Barcelona) 23 Maarso 2022. Xiddiga reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa soo idlaaday xiriirkii uu la lahaa kooxda Juventus, wuxuuna qandaraaskiisa haatan dhacayaa bisha June ee soo aaddan, taasoo soo afjareysa mustaqbalkiisa Bianconeri.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Catalonia ka soo baxa ee Sport, Barcelona ayaa durba la xiriirtay shaqsiyaadka u dhow dhow xiddiga reer Argantina ee Dybala si ay u ogaadaan go’aanka ku aadan mustaqbalkiisa, waxaana warbixinta lagu sheegay in tayada laacibka ay ku dhiirigelineyso Barca  inay horay ugu sii socdaan iyagoo isku dayaya inay la soo saxiixdaan.

Dybala ayaa hore u soo dhaweeyay fikradda ah ka ciyaarista Barcelona markii uu kooxda joogay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Lionel Messi, laacibk reer Argentina ayaan wali shaaca ka qaadin halka uu ku wajahan yahay.

Waxaa xusid mudan in xiddiga reer Argentina uu ku soo biiray Juve sanadkii 2015 isaga oo ka yimid Palermo ee dalka Talyaaniga, tan iyo markaas wuxuu matalay maaliyada Bianconeri 283 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 113 gool, wuxuuna saaxiibadiis ka caawiyay 48 gool.

Dybala ayaa wuxuu Juventus la qaaday 5 jeer horyaalka Talyaaniga, sidoo kale waxa uu 4 jeer la qaaday Coppa Italia, waxa uu sidoo kale la qaaday 3 jeer koobka Italian Super Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close