Sergio Ramos oo looga gacan haatinayo horyaalka MLS iyo wargeys baahiyay inuu difaacan wada-xaajood kula jiro koox kale

(Paris) 01 Maarso 2022. Mustaqbalka xiddiga difaaca dhexe uga ciyaara naadiga Paris Saint-Germain ee Sergio Ramos ayaa shaki weyn la gelinayaa iyadoo uu haatan xiiso ka helayo naadiga mareykanka ka dhisan LA Glaxy.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka MLS ayaa dooneysa inay xiddigan si bilaash ah kula saxiixato iyadoo weydiisatay PSG in Ramos si xor ah lagu heli karo dhammaadka xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay warsidaha Footmercato inkastoo uu sanad kale ka harsan yahay qandaraaskiisa.

Kabtankii hore ee Real Madrid ayaa kulammo yar u saftay naadiga ka dhisan caasimadda Faransiiska ee Paris tan iyo markii uu xagaagii lasoo dhaafay si bilaash ah ugaga soo biiray dhanka Madrid waxaana haraadiyay dhaawacyo kala geddisan.

Si kastaba ha ahaatee, LA Glaxy ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato waayo-aragnimada 35-sano jirkan, iyadoo xitaa wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain uu werinayo inuu haatan wada-xaajood u socdo labada dhinac.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close