Wakiilka Gavi oo lagu arkay xafiisyada Real Madrid & Marca oo warisay akhbaar naxdin gelineysa taageerayaasha Barcelona

(Barcelona) 28 Feb 2022. Mustaqbalka xiddiga Barcelona ee Gavi ayaa shaki weyn la gelinayaa iyadoo qandaraaskiisa uu dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka dambe, waxaana haatan lasoo sheegayaa in wakiilkiisa lagu arkay mid ka mid ah xafiisyada naadiga Real Madrid.

Marca ayaa warineysa in Ivan de la Pena oo ah wakiilka 17-sano jirka khadka dhexe ka ciyaara uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa xafiisyada ay Los Blancos  ku leedahay Valdebebas taasoo keentay in xiddigan si la yaab leh loola xiriiriyo Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Gavi ee garoonka Camp Nou ayaa ku eg xagaaga 2023, mana jiraan illaa iyo hadda wada-xaajood heshiis kordhineed oo u dhexeeya xiddiga reer Spain iyo Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close