Mulkiile naadi oo kalsooni ku qaba inuu PSG kala saxiixdo Lionel Messi

(Paris) 28 Feb 2022. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa durba xiiso ka helaya kooxda Inter Miami iyadoo Jorge Mas oo qayb ka leh kooxdaas uu balan qaaday inuu isku dayi doono saxiixa halyeyga naadiga Barcelona.

Inter Miami's Jorge Mas reveals stadium details, possible interim sites |  MLSSoccer.com

Kabtanka Argentina ayaa uun xagaagii lasoo dhaafay usoo dhaqaaqay kooxda Faransiiska ka dhisan kaddib markii uu si xor ah uga soo tagay Barcelona, waxaana uu 16 kulan ciyaaray horyaalka Ligue 1 isagoo dhaliyay labo gool.

 “Leo Messi wali waa mid ka mid ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, xirfadihiisa weli isma dhimin, aniga iyo David xiriir ayaan la leenahay, haddii uu PSG ka tagayo, isla marka uu ka baxo, waxaan jeclaan lahaa Lionel Messi oo ah ciyaaryahan ka tirsan Inter Miami kana tirsan bulshadeenna” ayuu Mas u sheegay saxaafadda.

 “Ma dhici kartaa? Eeg, waan isku dayi doonaa, qalbi ahaan rajo wanaagsan ayaan leeyahay, taas wey dhici kartaa, waana macquul” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close