Memphis Depay oo kooxdiisa ka dalbaday inay yareyso qiimaha lagu iibsan karo si uu xagaagan u faarujiyo Camp Nou

(England) 28 Feb 2022. Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Memphis Depay ayaa dalbaday inay kooxdiisa hoos u dhigto qiimaha iibkiisa lagu heli karo si ay ugu fududaato inuu isaga tago.

28-sano jirkan ayaa lumiyay muhiimaddii uu u lahaa Barca bilihii u dambeeyay waxaana kaddib imaanshahii Pierre Emerick Aubameyang ay kooxda ka fikireysaa inay Depay iska iibiso suuqa xagaagan.

Warsidaha El Nacional ayaa laga soo xigtay in xiddiga reer Netherlands uu haatan ka dalbanayo Barcelona inay hoos u dhigto lacagaha lagu iibsan karo si uu mushahar xooggan uga qalqaalsado kooxda uu u dhaqaaqayo.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan ayaa ku gooddiyay inuusan ogolaan doonin in la iibiyo haddii ay Blaugrana diiddo dalabkiisa ah in qiimahiisa la yareeyo waxaana taas ka caawinaya qandaraaskiisa oo dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close