Kooxda Juventus oo bartilmaameedkeeda ugu sarreeya suuqa ka dhigatay xiddig ka tirsan Manchester United

(Turin) 28 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya ee suuqa kala iibsiga xiddigaha ka dhigatay xiddig ka tirsan Naadiga Manchester United.

Sida uu warinayo Warsidaha Calciomercato Kooxda Juventus ayaa markaan bartilmaameedsanaysa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba.

Xiddiga kooxda Manchester United ee Pogba ayaa u muuqda mid qarka u saaran inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford oo aan ku qanacsanayn kooxda reer England.

Juventus ayaa doonaysa haatan inay dalab ka gudbiso Paul Pogba, iyagoo ka dhigtay bartilmaameedkooda ugu sarreeya suuqa xagaaga.

Warsidaha ka soo baxa dalka Talyaaniga ee Calciomercato ayaa daabacay in xiddiga khadka dhexe ee reer France uusan heshiiska u cusboonaysiin doonin Manchester United, isla markaana kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ay riyadeedu tahay inay laacibkan dib ugu soo celiso Magaalada Turin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close