Kooxaha Chelsea, Barcelona iyo Real Madrid oo wadahadallo la bilaabay daafac aad loo qiimeeyo

(Turin) 28 Feb 2022. Sida wararku ay sheegayaan Kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Barcelona ayaa wahadallo la blaabay daafac aad loo qiimeeyo, kaasoo ay doonayaan saxiixiisa.

Chelsea, Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhammaantood wadahadallo la galay daafaca Kooxda Sevilla ee Jules Kounde, sida uu sheegay Suxufiga reer Jarmal ee Florian Plettenberg.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa la filayaa inuu kooxdiisa ka dhaqaaqo xagaagan, iyadoo hataan uu dalabyo lacageed oo badan ka helayo Horyaalka Premier League iyo kan La Ligaha Spain.

23-sano jirkaan Jules Kounde ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyey horyaalka La Liga tan iyo markii uu kooxda Sevilla kaga soo biiray Naadiga Bordeaux bishii July ee sanadkii 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close