Liverpool oo ku guuleystay koobka Carabao Cup kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Chelsea

(London) 27 Feb 2022. Liverpool ayaa ku guuleystay koobka Carabao Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Chelsea rigoorayaal 10-11 ah, kulan leysku daalay ee ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah, si loo go’aamiyo kooxda koobka ku guuleysaneysa.

Ugu dambeyntii kooxda kubadda ee Liverpool ayaa loo caleemo saaray koobka Carabao Cup, kaddib markii ay rigoorayaal 10-11 ah ay kaga adkaatay naadiga Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close