Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul ay u qalantay kaga gaartay Athletic Bilbao

(Barcelona) 27 Feb 2022. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Athletic Bilbao, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

73 daqiiqo marka ay dheesha mareysay  O. Dembele oo caawin ka helay saaxiibkiis F. D. Jong ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhigay laacibkooda L. D. Jong oo ciyaarta badel ku soo galay.

90 + 4′ Memphis Depay oo caawin ka helay O. Dembele ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Athletic Bilbao oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, Barca ayaa hadda ku jirta kaalinta 4-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Spain waxayn leedahay 45 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close