Sergio Busquets oo albaabada u furay ku biirista koox aan ahayn Barcelona oo uu ku soo gabagabayn doono ciyaarihiisa

(Barcelona) 26 Feb 2022. Sergio Busquets ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu ciyaarihiisa ku soo gabagabeeyo koox aan ahayn Barcelona.

Busquets ayaa albaabada u furay in ka dhaqaaqo kooxda uu xirfaddiisa ciyaareed ku soo qaatay ee Barcelona, waxaana uu doonayaa inuu ku biiro kooxda Inter Miami oo ku soo gabagabeeyo ciyaarihiisa.

Sanadaha ugu dambeeya ciyaarihiisa ayuu laacibkan khadkad hexe ee Sergio Busquets doonayaa inuu ciyaarihiisa ku soo gabagabaeeyo Naadiga Inter Miami.

Xiddigii hore ee ay Busquets ka wada tirsanaayeen Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa iyaguna si xoog leh loola xiriirinayaa kooxda ka dheesha horyaalka MLS-ka Mareykanka, iyagoo ku dhow inay maalmahooda ugu dambeeya ciyaaraha ku qaataan halkaas.

Haddaba Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets uu ka fiirsanayo inuu Messi iyo Suarez kula biiro kooxda Inter Miami.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close