Kooxda Real Madrid oo indhaha la heshay laacib ay u aragto inay beddel uga dhigi karo Marcelo

(Madrid) 26 Feb 2022. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa indhaha ku haysa inay soo qaadato Fran Garcia, kaasoo ay u aragto beddelka xiddigeeda Marcelo.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Kooxda Real Madrid ay doonayso inay naadiga Rayo Vallecano kala soo wareegto ciyaaryahanka daafaca kaga ciyaara ee Fran Garcia.

Daafacan dadabka bidix ayaa Rayo ku soo biiray xagaagii hore, laakiin Real Madrid ayaa weli iska leh boqolkiiba 50 xuquuqdiisa, waxaana ay doonayaan inay dib ula soo wareegaan.

Los Blancos ayaa 22-sano jirkaan u aragta mid awoodi kara inuu beddelo Marcelo, maadaama ay kaliya u baahan yihiin inay bixiyaan 5 milyan oo euro si ay ula soo saxiixdaan dambeedkan bidix ee ku sugan Rayo Vallecano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close