Paul Pogba oo albaabada u furay inuu ku biiro kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League

(Manchester) 17 Feb 2022. Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa albaabada u furay inuu si bilaash ah ugu biiro mid ka mid ah kooxaha ka ciyaara Premier League iyadoo qandaraaskiisa garoonka Old Trafford uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Inkastoo uu laacibkan xor u yahay inuu wada-xaajood la sameeyo naadigii daneyneysa saxiixiisa ka dhisan dalalka aanu Ingiriiska ku jirin, haddana waxa uu door bidayaa inuu arrimaha mustaqbalkiisa dib u dhigto inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Telegraph, 28-sano jirkan ayaa dib u dhigtay arrimaha la xiriira mustaqbalkiisa si markuu dhammaado qandaraaskiisa uu xor ugu noqdo inuu u dhaqaaqo naadi kooxdiisa Man United kala dhisan dalka Ingiriiska.

Pogba oo khadka dhexe kaga ciyaara Red Devils iyo xulka qaranka France ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu isaga hayaamo Masraxa Riyada iyadoo kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid la warinayo inay si gaar ah u daneynayaan saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close