Horudhac: Barcelona vs Napoli… (Labo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo Europa League oo caawa kulmaya)

(Barcelona) 17 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa bilaabi doonta safarkeeda tartanka UEFA Europa League marka ay garoonkeeda kusoo dhoweyso kooxda Napoli lugta hore ee kulammada bug-baxa ee loogu soo baxayo wareegga 16-ka.

Barca ayaa kaalinta saddexaad kaga soo hartay wareeggii guruubyada ee tartanka Champions League taasoo keentay inay ciyaarto tartanka labaad ee kooxaha Yurub, halka Napoli ay kasoo baxday guruubka C ee tartanka Europa League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Europa League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 08:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Istvan Kovacs (Romania)

Wararka Kooxaha:

Barcelona ayaanan heysan doonin Dani Alves maadaama aanan lagu diiwaan galin safka kooxda u matalaya Europa League, sidoo kale Ronald Araujo ayaa dhaawac ku seegaya si la mid ah Samuel Umtiti, Ansu Fati, Sergi Roberto iyo Alejandro Balde oo dhammaantood dhaawacyo qaba, halka Memphis Depay iyo Clement Lenglet shaki weyn la gelinayo.

Dhinaca kale, saxiixii January ee Axel Tuanzebe ayaa laga saaray safka Europa League, balse waxay Napoli dhaawacyo ku weyneysaa ciyaarta caawa xiddigaheeda kala ah Hirving Lozano, Stanislav Lobotka iyo Matteo Politano.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Barcelona:

Napoli:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close