Harvey Elliott oo taariikh ku aaddan Champions League u sameeyay kooxda Liverpool kulankii ay xalay garaacday Inter Milan

(Liverpool) 17 Feb 2022. Xiddiga kooxda Liverpool ee Harvey Elliott ayaa xalay kusoo bilawday kulankii ay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Inter Milan kulanka lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League.

Inter Milan vs Liverpool: Harvey Elliott keeps his head as Reds prevail in  frantic Champions League battle | The Independent

Reds ayaa 2-0 ku adkaatay xalay iyadoo marti ku ahayd magaalada Milan ee dalka Taliyaaniga, balse waxaa taariikh dhanka safashada Champions League ah sameeyay 18-sano jirka khadka dhexe ka ciyaara.

Elliott oo xalay jiray 18 sano iyo 318 maalmood ayaa la wareegay rikoorka xiddiga ugu da’da yar ee Liverpool ugu soo bilawda kulan ka tirsan tartanka horyaallada Yurub marka laga reebo is-reebreebka loogu soo baxo, waxaana rikoorkan horay u heystay xiddiga ay naadi wadaagga yihiin ee Trent Alexander-Arnold.

Xiddiga difaaca midig ka ciyaara ayaa isagoo jira 18 sano iyo 354 maalmood kusoo bilawday kulan ay Reds la ciyaartay naadiga Spartak Moscow sanadkii 2017.

Trent Alexander-Arnold of Liverpool and player of Spartak Moscow in... News  Photo - Getty Images

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close