Arsenal oo Manchester United iyo Liverpool kula soo biirtay raacdada loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara xulka England iyo kooxda…

(London) 17 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dhiggeeda Liverpool iyo Manchester Unitedm kula soo biirtay raacdada lagu doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Leeds United ee Kalvin Phillips.

Manchester United and Liverpool battle for £60m Leeds United midfielder Kalvin Phillips - Paper Round - Eurosport

Man United iyo Reds ayaa doonayay saxiixa 24-sano jirkan khadka dhexe ka ciyaara kaasoo qandaraaskiisa naadiga Leeds uu ka harsan yahay labo sano, sidoo kale, waxaa la warinayaa inay West Ham United isku dayday saxiixa Phillips suuqii January, balse loo sheegay inuusan iib ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska 90min ayaa sheegay inay haatan Gunners kusoo biirtay doonista burburiyahan heerka caalami ee xulka qaranka England iyadoo dooneysa inay xagaagan u dhaqaaqdo saxiixiisa.

Dhinaca kale, kooxda Macallin Marcelo Bielsa ayaanan wali talaabo u qaadin inay heshiis cusub ka saxiixato xiddigeeda khadka dhexe kaasoo 14 gool u dhaliyay kooxda lagu naaneyso The Whites isagoo 13 kale caawiyay kaddib 226 oo uu u saftay tan iyo safashadiisii ugu horreysay sanadkii 2014.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close