RASMI: Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee Cabdiqani Saciid Carab oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu is casilay

(Mogadishu) 16 Feb 2022. Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu gebi ahaan iska casilay xilka guddoonka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu hayay muddo toddobo sano ah.

Mudane Cabdiqani ayaa isugu yeeray bahda Saxaafadda maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 16-ka bisha Febraayo ee sanadka 2022-ka, waxaana uu halkaas isaga casilay xilkii uu u hayay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayuu Mudane Carab dhexda kaga jiray is-qabqabsi iyo qilaaf xooggan oo ay iska hor imaadeen qaar ka mid ah maamulka xiriirka taasoo xitaa keentay in xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA uu xubno u soo diro Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya si loo xalliyo qilaafaadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdiqani ayaa dhinac u riday xaaladihii taagnaa, isagoo go’aansaday inuu iska casilo xilka uu u hayay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close